Deeq A. Posted February 6, 2021 Muqdisho (Caasimada Online)-Wararka aan ka heleyno isgoyska KM-4 ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in goor dhaw uu ka dhacay qarax Miino. Qaraxa ayaa la dhigay banaanka masaajid aad ugu dhow kaalinka shidaalka ee dhanka garoonka Aadan Cadde ka xiga isgoyska KM 4 ee magaalada Muqdisho. Qaraxa ayaa lala eegtay gaari la sheegay inuu ahaa nooca aysan xabadu karin, kaas oo aan illaa hadda la garan cidda wadatay. Illaa hadda lama oga khasaaraha ka dhashay qaraxaas oo goor dhow dhacay, balse dad goobjoogayaal ah ayaa sheegay in uu haleelay qaarigaas oo wadada marayey. Wixii ka soo kordha kala soco Caasimada Online Share this post Link to post Share on other sites