Deeq A. Posted February 6, 2021 Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee baarlamaanka Federaalka Maxamad Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa faah faahiyay waxyaabaha madaxweynaha uu kala hadlayo xildhibaanada. Wuxuu sheegay in kulanka looga hadlayo hanaanka doorashada balse aanan looga hadleyn muddo kororsi. “Waxaa laga hadlayaa waa doorasho goormaa la qabanayaa halka looma fadhiyo muddo kororsi wax la yiraahdo” “Ajanadaha maanta waxaa waaye qodobka 90 ee dastuurka kumeel gaarka ah madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka ee Soomaaliya wuxuu u ogolaanayaa Golaha Shacabka mar walbo in uu la hadli karo” Wuxuu dhanka kale sheegay in kulanka maanta uusan aheyn mid wadajir ah balse madaxweynaha uu la hadli xildhibaanada Golaha Shacabka isla markaana ay ka shaqeynayaan sidii xal loogu heli lahaa ismari-waaga ku saabsan doorashada. “Golaha Shacabka diyaar uma aha khilaafka in uu kamid noqdo wuxuu diyaar u yahay xalka mar walbo in uu qeyb ka ahaado” “Kulanka waa kulan Golaha Shacabka kaliya ah uu leeyahay waaye, warbixinna waxaa laga dhageysan doonaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya” View the full article Share this post Link to post Share on other sites