Sign in to follow this  
Deeq A.

Xiisad colaadeed oo ka taagan magaalada Buuhoodle ka dib dil caawa ka dhacay

Recommended Posts

Deeq A.   
Xiisad colaadeed oo ka taagan magaalada Buuhoodle ka dib dil caawa ka dhacay
 buhoodle.jpg
Wararka laga helayo magaalada Buuhoodle ayaa sheegaya in rasaas ay ka dhacayso magaalada, taas oo ka danbaysey kadib markii la diley nin ganacsatada magaalada ka mid ah.

“Nin hubaysan ayaa rasaas ku furay nin ganacsade ah, taasina waxay keentay in inta badan magaalada xiisadi ka bilaabanto ganacsigiina xidhmo” sidaa waxaa yidhi  Axmed Maxamed oo degan Buhoodle oo Warbaahintu la xidhiidhay.

Xiisadan ayaa daba socota dilal todobaadyadii la soo dhaafay halkaas ka dhacay oo maalintii shalay la soo gabagabeeyey, iyadoo taageero heshiiskaas ah lagu qabtay magaalada Buuhoodle.
Ilaa hada ma cada khasaare ay sababtay rasaasta danbe ee ilaa hada ka dhacaysa magaalada, iyadoo dadka qaarkii ay sheegayaan in rasaastu u badan tahay mid lagu kala celinayo ciidamo ninka la diley ku ehel ah.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this