Sign in to follow this  
Deeq A.

XF Soomaaliya oo war kasoo saartay shirkii Dhuusamareeb 4

Recommended Posts

Deeq A.   

Shirkii madaxda Dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada oo muddo 5 maalmood ah ka socday Magaalada Samareeb ee caasimadda Galmudug ayaa caawa la soo gebegebeeyey. Arimaha ugu waaweyn ee lagaga wada hadlay waxa kamid ahaa, Guddiyada Doorashada, guddida doorashada Somaliland iyo maamulka doorashada Gobolka Gedo.

Madaxda Dowladda Federalka oo muujiyey tanaasul iyo odaynimo badan, in badanna isku deyey in ay qanciyaan mid kamid ah maamul goboleedyada way u suurtageli weyday.

Gebegebadii markii qodobadaas la isla meeldhigi waayey madaxweynuhu wuxu go’aamiyey in shir dambe la isugu soo laabto si halkaas looga sii ambaqaado taabba gelinta heshiiskii 17kii September 2020.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this