Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Biden Oo Balan Qaad U Sameeyay Afrika

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Washington)-Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden wuxuu balan qaaday inuu dib u dhisi doono wadashaqeyntii dalkiisa uu la lahaa Midowga Afrika (AU) daqiiqado kadib markii uu jeediyay khudbadiisii ugu horreysay ee siyaasada arrimaha dibadda tan iyo markii uu qabtay xafiiska.

Madaxweynihii isaga ka horeeyay, Donald Trump, ayaa waxa uu dhaliyay khilaaf sannadii 2018 ka dib markii la sheegay inuu adeegsaday erayga “shit hole” oo ah eray cunsuri ah oo uu ku tilmaamay dalalka Afrika.

Mr Trump ayaa markii dambe beeniyay inuu cunsuri yahay.

Malinkii Jimcaha ayay ahayd markii barta Twitter-ka ee aqalka cad lasoo dhigay Muqaal uu Madaxweyne Biden uu u jeediyay guddiga qaaradda ka hor shir madaxeedka 34aad ee Midoowga Afrika. Waxaa uuna yiri ”Maamulkeyga waxaa ka go’an inuu dib u dhiso iskaashiga adduunka oo dhan iyo inuu dib ula macaamilo hay’adaha caalamiga ah sida Midowga Afrika”.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this