Sign in to follow this  
Deeq A.

Xaaladda Caafimaad Ee Jawaar Maxamed Oo Laga Deyriyay

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Addis Ababa)-Jawaar Maxamed oo ah siyaasi mucaarad ah oo ku xidhan dalka Itoobiya ayaa laga deyriyay xaaladdiisa caafimaad kaddib markii in ka badan toddobaad uu ka soomay cuntada.

Qareenkiisa wuxuu sheegay in Jawaar uu waajahayo caafimaad darro kaddib cunto ka soomista uu ku dhaqaaqay.

Jawaar Maxamed, Bekele Gerba, Hamza Adane iyo Shemsadi Taha, ayaa dhammaantoodba maanta ku jiray gadood cunto ka soomid ah.

Maxkamadda ayaa oggolaatay in ay arkaan dhakhtar gaar ah oo aan ahayn dhakhaatiirta dowladda.

Markii la weydiiyay sida ay tahay xaaladda caafimaad ee Jawaar, ayuu Maxamed Jimma yidhi: “Si shakhsi ahaan ah waxaan u dareemay in Jawaar ay baahida si gaar ah u saameysay. Aad bay u daciifeen mana hadli karaan. Aad bay u xanuunsan yihiin.”

Jawar Maxamed ayaa lagu sheegaaa inuu yahay ninki sababta u ahaa inuu isbeddel uu ka dhaca dalka Itoobiya, gaar ahaana inuu is casilo raysal wasaare Dr Hailemariam Desalegn, isaga oo hoggaaminayey mudaharaadyadii Itoobiya ka bilaamay 2016-kii.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this