Sign in to follow this  
Deeq A.

Dibad-baxyo ‘ka dhan ah Axmed Madoobe’ oo laga abaabulayo gobolka GEDO

Recommended Posts

Deeq A.   

Garbahaarey (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya gobolka Gedo ayaa sheegaya in saaka abaabulkii ugu dambeeyey dibad-baxyo looga soo horjeedo madaxweynaha maamulka Jubbaland uu ka socdo degmooyinka qaar ee gobolkaasi.

Dibad-baxyadaan ayaa la qorsheynayaa inay ka dhacaan degmooyinka Garbahaarey Beledxaawo, Buurdhuubo, Doolow, Luuq iyo Baardheere.

Wararka laga helayo dibad-baxyadaasi ayaa sheegaya inay wax ka qado abaabulka dowladda dhexe ee Soomaaliya oo ay si isugu hayaan doorashada Axmed Madoobe.

Sidoo kale dibad-baayadan ayaa ujeedada ugu weyn waxa ay tahay in looga soo horjeesto in gobolka Gedo iyo doorashada ka dhaceyso la hoos geeyo Jubbaland.

Ammaanka degmooyinka loo qorsheeyey inay ka dhacaan isku soo baxyada ayaa la adkeeyey, iyada oo ciidamo dheeraad ah la dhigay meelaha qaar ee muhiimka ah.

Arrimahan ayaa ku soo aadayo, iyada oo lagu kala tegay shirkii wada-tashiga ee ka socda magaalada Dhuuamareeb, waxaana arrimaha la’isku qabtay ka mid ah xiisada ka taagan gobolka Gedo ee u dhexeysa dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo Jubbaland.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this