Sign in to follow this  
Deeq A.

Xanuunka Dengue oo ka dilaacay Dowlad degaanka Soomaalida DDS

Recommended Posts

Deeq A.   

Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO ayaa sheegtay in xannuunka Dengue ee caanka ku ah qandhada uu ka dillaacay qayba ka mid ah gobolka Soomaalida ee Itoobiya.

In ka badan 207 xaaladood oo looga shakiyay inuu xannuunkaasi yahay ayaa ilaa iyo hadda laga soo weriyay gobollada Doolo iyo Liibaan.

WHO waxay sheegtay in la samaynayo baaritaanno dheeraad ah oo lagu xaqiijinaya jiritaanka cudurka, waxyan intaasi ku dartay in baaritaannadaasi lagu sameynaya shaybaar ku yaalla Hawassa.

Hay’adda ayaa hoosta ka xariiqday baahida deg deg ah ee loo qaba in la buufiyo kaneecada oo gudbisa xannuunkaasi.

PUNTLAND POST

The post Xanuunka Dengue oo ka dilaacay Dowlad degaanka Soomaalida DDS appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this