Deeq A. Posted February 6, 2021 Shirkii Arrimaha doorashada ee magaalada Dhuusamareeb uga socday madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada dalka ayaa xalay natiijo la’aan ku dhammaaday, sida uu xaqiijiyay Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya. Wasiir Cismaan Abukar Dubbe, ayaa sheegay in Shirka looga hadlay saddex qodob, oo ay ku jiraan xallinta muranka guddiga doorashooyinka, Arrinta Gobolka Gedo iyo khilaafka guddiga dhinaca Somaliland, kuwaas oo dhammaantood la isku mari-waayay. Hoos ka daawo Hadalka Wasiirka PUNTLAND POST The post Shirkii Dhuusamareeb oo gebi ahaanba fashilmay appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites