Sign in to follow this  
Deeq A.

Shirkii wada-tashiga Dhusamareeb oo natiijo la’aan kusoo dhammaaday

Recommended Posts

Deeq A.   

Shirkii madaxda Dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada oo muddo 5 maalmood ah ka socday Magaalada Samareeb ee caasimadda Galmudug ayaa xalay kusoo dhammaaday natiijo la’aan, iyada oona lagu kala tegay.

Wararka ayaa sheegaya in arrimaha la-isku qabtay ay ka mid yihiin xiisadda gobolka Gedo, guddiyada doorashooyinka dalka iyo soo magacaabida guddiga doorashada Somaliland.

Wasiirka warfaafinta Soomaaliya Cusmaan Abuukar Dubbe oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in madaxweyne Farmaajo uu tanaasul ka sameeyey dhammaan qodobada isku hayo ee kala ah arirnta gobolka Gedo, tan xildhibaanada gobollada waqooyi iyo guddiyada doorasho, balse dhinacyadii kale laga waayey wax tanaasul ah.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku sii daray in madaxweynaha uu soo jeediyey in maadaama kulanka maanta uu baarlamanka uu muhiim yahay in shirkaas lagu kala tago, la iskuna soo laabto shir kale, ayada oo waqtiga iyo madasha lasoo sheegi doono.

Arrintan ayaa uga sii dareyso xiisada siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan khilaafka ka taagan hannaanka doorashooyinka 2021-ka.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this