Sign in to follow this  
Deeq A.

Xukumadii UDUB Iyo arimah aqoon’raadinta doorkey ka ciyaartay

Recommended Posts

Deeq A.   

XUKUMADII UDUB IYO ARIMAHA AQOON-RAADINTA DOORKEY KA CIYAARTEY IYO SIDEY INDHA CALAAMKA USOO JIIDDATEY

President Alpha Oumar Konaré Vs President Dahir Rayaale
Madaxweyne Daahir riyaale waxu ku qanciyey, President Alpha Oumar Konare isagoo markaas ahaa. Gudoomiyaha 1st Chairman of the Commission of the African Union In office
16 September 2003 – 1 February 2008

5 may 2005. iney Hargeisa yimadaan guddi xaqiiqo raadis ah oo uu kuurgala qadiyadda Somaliland iyo Taariikhdeedda. Isagoo tixraacayey, Taariikhda Mali-Senegal ey ku noqdeen labadda dowladdood oo jaar ah.

Run ahaantii Madaxweyne Dahir Rayaale. Qaddiyadda Somaliland waxu geeyey fagarayaal caalamiya oo aaney geyn. Labaddii Madaxweyne ka danbeyey. Ugu yaraan 3 Goor baana lagu qaabiley xarunta Middowga Africa. Waqtigaa qadiyadeenu markey ugu sokeyso waxey taalley middowga Africa.

Waxana iyana markaas miiska saarneyd qadiyadda South Sudan oo aynu inagu markey noqoto taariikh ahaan uga dhoweyn in caalamku qirayo Somaliland British Protectorite aheyd dal madax banaan intaaney ku biirin 01-July-1960. Taaso ey keentey jibaddi Somali-weyn. Maantase xaalkeenu waa bariga dhexe. Xisaabtana si cilmiyeysan isugumeynu geysan.

Waxaadna mooda in aan dadku ka fekerin mustaqbalka fog. Waxaan ku soo koobanaya. Somalilandney waxba ka qaldane wax isu gey-geyso.

Dalka xukumadii UDUB marka laga hadlayo. Madaxweyne Cigaal iyo Madaxweyne Rayaale waxey xooga saareen iney indha calaamka kasbadaan kuna qanciyaan in aan la dafirin taariikhda Somalialnd ee ku saleysan 1884 ilaa 1960.

Taaso sumadeeddu tahey in aan la dirifi karin. Taariikhdda iyo soyaalka dowladdaha Africa ee Somaliland ka mid tahey.

Balse 01 july 1960, Dadka reer Somaliland doorbideen in la sameeyo dowladd ka shaqeysa middeysa iyo xoreynta dhamaan dadka afsomaliga ku hadla. Iyagoo rabey in NFD, Djabuti iyo Reserve Area oo maanta loo yaqaano maamul goboleedka Soomaalidda ee Ethiopia la iskaga wadda dhigo hal dal.

Nasiib-darose waxey himiladaasi ku baaba’adey magaaladda Moqdisho. Markii maqasha loo direy ninkii adhiga daayacey.

Taaso macnaheedu yahey in aan marnaba la tixgalin dareenkii iyo boholyowgii dadka reer Somaliland.

Markii danbena Xukumadii kacaanka ee ku timi inqilaabka militery ayaa waxey ku fulisey gabood-falo aan xuduud laheyn oo arxan daro ah. Waxey abuurtey cadaawadd iyo xasuuq aan loo meel dayin.

Taasina waxey dhashey iney burburto xukumaddi (Somali democratic republic) ee uu hogaaminayey. General Mohamed Siyaad Bare.

Isku wadda duubo, Maanta Moqdishona waxey heysta magacii dowladdnimaddii Soomaalidda. Somalilandna wey isku tashatey waxeyna sameysatey haylka dowladeed oo ku dhisan nidaamka dimuqradiyadda oo cidina ka gacansii.

Halka dowladdnimadda Moqdisho beesha caalamku isku deydey muddo 30 ah iney ka dhisaan dolwadd calaamku aqoonsan yahey.

Balse wali nidaamkaasi muu hirgalin, sababaha ugu horeeya wali lama sameyn dib u heshiin u dhexeysa bulshadda Soomaaliyeed. Dastuurka qudha qarashka ku baxey ka badan dhaqalaha calaamku siiyey Somaliland intey dhisneyd walina waa qabyo.

Waxa ii muuqda in aan wali dhoweyn dowladdnimo dhaba oo ka hana qaadi kartaa Moqidsho.

Somaliland aqoonsigeedii caalamiga ahaana waxa bulshadda calaamku ku xidhey xamar, waddamadda gobolku waxey inagu dirqiyayaan ineynu xaajono xukumaddaha isbedbedalaya ee xamar lagu dhiso. Kuna saleysan habka 4.5 ee Federalismka oo ah midaan hirgalin weli, Una muuqan mid aflaxaya. Waxaad mooda in xaalku yahey ijiid aan ku jiidde waa gacmo daalis. Waase la gaadhi doona runta. Weyna imaneysa xaqiiqdu maalin ey noqotoba.

Hon-Envoy Abdirizak Diinaari

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this