Sign in to follow this  
Deeq A.

Wararkii u dambeeyay iyo maanta oo Jamce ah Dhuusamareeb

Recommended Posts

Deeq A.   

Beesha Caalamku waxay Shalay hor istaageen in Madaxweyne Farmaajo oo Dhuusamareeb kasoo baxo, Waxay kaloo Baajiyeen Shirkii Baarlamaanka ee Madaxweynuhu Dalbadey 5 Febaraayo oo maanta ah.

Xalay waxaa kulmay Madaxda Ku sugan Dhuusamareeb , Walina muran xoogan ayaa taagan oo ma jiraan Qodobo la isku raacsan yahay.

Bilowgii Shirka Madaxweyne Farmaajo waxaa u qorshaysnaa inuu gacanta ku dhigo oo qura Jadwalka Doorashada, kadibna uu horgeeyo Baarlamaanka si loo Ansixiyo, wuxuuna halkaas ka arkayay Mudo kororsi, Dhamaan Qodobadii kale wuxuu doonayay inuu Gudiyo Magac uyaal ah loo saaro, Laakiin waxaa taas diiday Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi waxaana ku taageeray Beesha Caalamka oo Shalay Baajisay in Madaxweynuhu uu dib ugusoo laabto Muqdisho.

Xalay Madaxweyne Farmaajo wuxuu lasoo shir tagay Hadal cusub oo dhaliyey muran hor leh, wuu ka horyimid in la xaliyo Arimaha ka taagan Gobolka Gedo,

Madaxweynuhu wuxuu Xalay soo bandhigay in Jadwalka Doorashada la gaarsiiyo mudo sanad ah si loo xaliyo Khilaafaadka Jubbaland iyo Muranka Xildhibaanada Waqooyi, Arimahaas waxaa ka carooday Madaxweyne Axmed Madoobe iyo Madaxweyne Deni.

Madaxweynayaasha Hirshabele iyo Galmudug waxay taageersan yihiin Hadalka Madaxweynaha halka Madaxweynaha Koonfur Galbeed uu wali aamusan yahay.

Waxaa jira warar sheegaya in Madaxweyne Farmaajo uu ka carooday hadal loo dusiyey Beesha Caalamka habeynkii khamiistu soo galaysay hadalkasoo ahaa in Aan wax heshiisa la gaarin, Madaxweynuhuna uu Muqdisho u cararayo.

Salaada Jamce kadib ayaa la kulmayaa, Waxayna u muuqataa inaan wax go’aan ah aan la gaarayn maanta oo Beri oo sabti ah la gaaro.

Puntlandi.com Dhuusamareeb

The post Wararkii u dambeeyay iyo maanta oo Jamce ah Dhuusamareeb appeared first on .

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this