Sign in to follow this  
Deeq A.

Madfac khasaare geystay oo ku dhacay guri ku yaalla Sh/ Hoose

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka ka imaanaya gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in saacadihii la soo dhaafay madfac habaaw ah oo khasaare geystay uu ku dhacay guri ay daganaayeen dad shacab ah oo ku yaalla duleedka deegaanka Janaale ee gobolkaasi.

Madfcan oo aan la ogeyn halka laga soo tuuray ayaa waxaa waxyeelo isugu jirto dhimasho iyo dhaawac ay kasoo gaartay dad isku qoys ahaa.

Ilmo yar oo lix jir ahaa ayaa ku dhintay madfacan, halka ay dhaawacyo soo gaareen hooyada qosyka iyo labo caruur ah oo kale, sida uu Shabelle u xaqiijiyey mid ka mid ah dadka deegaanka.

Dhacdadan ayaa argagax weyn ku reebtay dadka deegaanka, waxaana dadka dhaawacyada ah la geeyey deegaanka Shalanbood ee gobolka Sh/Hoose.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this