Deeq A. Posted February 5, 2021 Ururka horumarinta ee UBAX oo ah urur samafal oo ka dhisan deegaanadda koonfur galbeed ayaa deeq rashiin oo isugu jirta Masago, Bur, Bariis, Baasto, Saliid iyo Timir oo ay ka soo uruuriyeen bulshada magaalada baydhabo gaarsiiyey dadka ku dhaqan magaalada xuddur si ay qeyb uga noqoto gurmadka loo fidinayo bulshada magaalada. Guddoomiyaha Ururka horumarinta ee UBAX Cabdi Jirbriil Aadan ayaa bulshada reer baydhabo iyo madaxweynaha koonfur galbeed uga mahaceliyey kaalinta ay ka qaateen in magaalada xuddur loo gurmado. Yuusuf Warsame Xasan oo wakiil ka ah Jaaliyada koonfur galbeed ee Maama Muniira Fiundation oo deeq gargaar ah xuddur soo gaarsiiyey ayaa isna ka hadlay sida ugu suuragashay in deeqdaan xuddur soo gaarsiiya. Raashiinkaan oo gaaraya 12-tan qaarna ay ku deeqeen jaaliyada koonfur galbeed qaarna dhalinyaradaan isxilqaamay ay ka soo uruuriyeen shacabka degmada baydhabo waxa dhinaca diyaarada ka saacidey madaxweynaha dowlad goboleedka koonfur galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed( lafta-gareen) oo waqti badan geliyey sidii loogu gurman lahaa shacabka gobolka bakool gaar ahaan degmada Xuddur. Halkan hoose ka daawo sawirrada:- View the full article Share this post Link to post Share on other sites