Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Sarkaal Al-Shanaab u qaabilsanaa qaraxyada oo la qabtay

Recommended Posts

Deeq A.   

Ciidamada Xoogga Dalka ayaa maanta soo bandhigey sarkaal ay sheegeen in qaybta qaraxyada Galgaduud u qaabilsanaa Al- Shabaab, kaas oo lagu magacaabo Xasan Cabdinuur Daad (Careys).

Sarkaalkan oo hoggaaminayay rag xalay  hoobiyeyaal ku soo tuuray Caasimada Galmudug ee Dhuusamareeb ayaa laga daaweynayaa dhaawac ka soo gaarey dagaalka, waxaa sidoo kale goobta la keenay gaarigii ay wateen iyo qori ah B10 oo ay adeegsanayeen.

Sidoo kale Ciidamada ayaa goobta ku soo bandhigey qoryo fudud iyo meydadka xubno ka tirsan Al-Shabaab oo lagu dilay dagaalkii xalay.

Taliye Ku xigeenka Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka S/Gaas: Xuseen Xoosh Cali iyo Wasiirka Amniga Galmudug Axmed Macalin Fiqi oo ay wehliyaan masuuliyiinta maamulka Dhuusamareeb ayaa ku amaaney Ciidamada Gor-Gor ee howlgalkaan fuliyay, sida ay uga hortageen qorshihii Al-Shabaab.

5c92bd13-ec4b-40b2-80ad-2110f0a44192.jpg63672463-6231-4335-ad97-85ae975b4a05

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this