Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamada Puntland oo bad-baadiyey gabar isku-gubi rabtay Garoowe

Recommended Posts

Deeq A.   

Taliska Booliska magaalada Garoowe ayaa faah faahin ka bixiyey dhacdo ay xalay ka hortageen ciidamada ammaanka, taas oo ku saabsan gabar isku-gubi rabtay magaaladaasi.

Qoraal ka soo baxay Booliiska ayaa waxaa lagu sheegay inay gabadha wadatay Taraq iyo Basiin, balse ciidamada amnigu ay bad-baadiyeen, kadib markii uu ka qooyey Taraqa, una bixi waayey dabka.

Halkan hoose ka aqriso:-

Ciidamadda ammaanka Garowe iyo saraakiisha hawlgalinta booliska Gobolka Nugaal waxay xalay ka hortageen dhacdo foolxun oo gabadh dhalinyaro ah ku doonaysay inay ISKU-GUBTO,NAFTA isaga goyso ama ay isku-dili rabtay kadib markey BAC kusoo qaadatay baasiin iyo taraq balse nasiib wanaag taraqii ka qooyay sidaas darteedna uu u bixi waayay dabkii kabriidka ama taraqu.

Gabadhaan oo laga helay luuq ku yaala xaafadaha magaalada GAROWE,waxaa la geeyay Cisbitaalka guud ee dowladda, si loogu dabiibo looguna sameeyo baaritaan,kadib markey heleen boolisku waxay sidatay Telefon labo SIM CARD leh,oo middi yahay Telesom,midna yahay GOLIS,dadaal dheer kadib iyo xiriiro dhexmaray qaar ka mid ah bulshada iyo laamaha Amaanka waxaa lagu guulaystay Aqoonsiga xubno ka mid ah ehelka iyo qoyskeeda,si loola socodsiiyo dhacdadaan ka hortaga ay ku sameeyeen ciidamada boolisku.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this