Sign in to follow this  
Deeq A.

Aqriso: Wararkii ugu dambeeyey shirka ka socda Dhuusamareeb

Recommended Posts

Deeq A.   

Magaalada Dhuusamareeb waxaa wali ka socda shirka madaxdaxwaynayaasha maamul goboleedyada , gobolka banaadir iyo madaxwayanaha dowladda fedaraalka ee Soomaaliya Maxamed Cabdulahi Farmaajo.

Wararka ayaa sheegaya in qodobada muranka ka taagnaa inta badan is-afgarad laga gaaray, balse wali la isku mari la’ayahay qodobka gobolka Gedo.

Madaxda ayaa xalay ilaa saqdii dhexe wadahadlayay arrinta gobolka Gedo ilaa hadda ma jirto natiijo la shaaciyay inay ka soo baxday.

Wasiirka warfaafinta Galmudug Axmed Shire Maxamed (Falagle) ayaa sheegay in madaxda ay muujin doonaan dadaal ku aadan sidii arrintan xal looga gaari lahaa.

“Qodobka Gedo ayaa arrinta ugu cuslaa isagana xalay goor dambe la isla gaaray , wax war murtiyeed ah-na ilaa hadda kama soo bixin,” ayuu yiri Mr Falagle.

Wasiirka ayaa intaa ku daray in uu rajeynayo in saacadaha soo socda is-afgarad laga gaari doono.

“Qodobkan (Gedo) waxaan is leenahay saacadaha soo socda in go’aan wax ku ool ah oo umadda Soomaaliyeed ka farxiya laga gaari doono,” ayuu intaa ku daray.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this