Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Galmudug oo faah faahin ka bixisay weerarkii Dhuusamareeb

Recommended Posts

Deeq A.   
 Wasiirka Amniga maamulka Galmudug Axmed Macalin Fiqi ayaa ka warbixiyey madaafiic xalay lagu weeraray magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud ee bartamaha dalka.

Fiqi ayaa sheegay in howlgal ay sameeyeen ciidamada ay ku dileen in ka badan 10 dagaalame oo ka tirsan Al-Shabaab

“Ciidanka Xoogga dalka ayaa howgal qorsheysan oo ay xalay ay fuliyeen waxa ay ku dileen illaa toban ka tirsan argagaxisada Alshabaab qaar kalana nolosha ayay kusoo qabteen”ayuu yiri Wasiirka Amniga Galmudug.

Wasiir Fiqi ayaa sidoo kale in gacanta lagu dhigay gaadiidkii ay wateen raggaas, hoobiye iyo hub fudud oo ay u adeegsanayeen weerarka.

Waa weerarkii labaad oo ay Al-Shabaab kusoo qaadeyso magaalada Dhuusamareeb oo uu weli ka socdo shirka wada-tashiga dowladda federaalka, dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir.

Halkan hoose ka daawo sawirrada:-

cc-1 ee

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this