Deeq A. Posted February 4, 2021 Dagaal la isu adeegsaday hubka fudud iyo midka culus ayaa caawa muddo nus saac ah ka socday duleedka Koonfureed ee magaalada Dhuusamareeb. Dagaalka oo u dhexeeyay ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka iyo Al-shabaab ayaa ilaa iyo hadda la ogayn khasaaraha ka dhashay. Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in Al-shabaab ay weerareen xerada ciidamada Gorgor oo ku dhow magaalada, halka warar kalena tilmaamayaan in ciidamada dowladdu ka hortageen Al-shabaab weerar ku soo ahayd Dhuusamareeb Waa markii labaad oo ay Dhuusamareeb weeraraan Al-shabaab, iyadoo ay ku shirsan yihiin madaxda Soomaaliya. PUNTLAND POST The post Dhawaq hub oo laga maqlay Dhuusamareeb appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites