Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoomiye Wiish “Waan U Mahadcelinaynaa Dhamaan Kooxihii Ku Guulaystay Tartamadii Aan Qabanay Sanadkii La Soo Dhaafay 2020 Iyo Xidigaha Gobolka Banaadir”

Recommended Posts

Deeq A.   

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa abaalmariyay Kooxda Gobolka Banaadir ee ku guuleysatay ciyaarihii  Maamul-Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir, 2020,Tartankii kubbadda Cgata degmooyinka Gobolka Banaadir iyo Tartankii kubbadda cagta Waaxyaha Gobolka oo dhamaan ka dhacay Magaalada Muqdisho,waxaana munaasbad ka dhacday Muqdisho si weyn loogu dabaal dagay guulaha ay gaaraan kooxihii kala duwan ee ku kala gulaystay tartamadii lagu qabtay caasimada sanadkii la soo dhaafay 2020.

145660923_3579769858755310_6832578062261

“Waan u Hambalyaynaa ciyaartooyda Gobolka Banaadir ee markii ugu horeesay ku guulaystay tartankii kubbadda cagta Maamul Goboeledyada iyo Gobolka Banaadir 2020,runtii waxa ay kor u qaadeen magaca iyo sharafta Gobolka,mana iloobi doono taariikhda ay noo soo hooyeen” ayuu Goobjoog Sports u sheegay Guddoomiyaha Ciyaaraha Gobolka Banaadir mudane Xasan Yabarow Wiish.

145850305_3579764555422507_7634781936909

Dhinaca Kale Guddoomiye Wiish wuxuu u hambaleeyay kooxaha kaalmaha hore ka galay tartankii kubbadda cagta Degmooyinka Gobolka Banaadir 2020,isagoo xusay in sanad kasta tartankaas ay ka soo baxaan ciyaartooy tayo wanaagsan oo anfacada Xulka Qaranka iyo kooxaha heerarka kala duwan ee Kubbadda Cagta Soomaaliya.

145724506_3579767245422238_6920686750754

“Tartankii kubbadda cagta Degmooyinka 2020 wuxuu ahaa mid aad u wanaagsan,waan u mahadcelinaynaa dhamaan kooxihii ka qeyb galay,waxaan si gaar u u hambalaynaa labadii naadi ee soo gaaray heerka ugu Finaalka” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Guddoomiyaha Isboortiga Gobolka Banaadir mudane Xasan Aadan Xaaji Yabarow Wiish.

145866439_3579768492088780_3931725215178

Sidoo Kale Aqriso Warar Ku Saabsan Gobolka Banaadir

Guddoomiye Wiish “Tartanka Maamul Goboleedyada Waxaa Loo Qabtaa In Laga Helo Ciyaartooy Tayo Wanaagsan”

W/D-Maxamed Xuseen Qalinle

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this