Sign in to follow this  
Deeq A.

Baarlamaanka Puntland oo ansixiyey hindise sharciyeed muhiim ah

Recommended Posts

Deeq A.   

Baarlamanka Puntland, ayaa maanta oo Khamiis ah ansixiyay Hindise-sharciyeedka diiwaan-gelinta Codbixiyaasha Puntland, oo maalmo ka hor loo gudbiyay Golaha.

Kalfadhiga 47-aad ee Golaha Wakiilada Puntland Fadhigiisa 26-aad oo maanta qabsoomay, islamarkaana ay soo xaadireen 42 mudane, waxaa shir-guddoominayay Guddoomiyaha Baarlamanka Cabdirashid Yusuf Jibril, oo ay weheliyaan labadiisa ku xigeen.

Xildhibaanada Golaha Wakiilada ayaa cod u qaaday Hindise-Xeereedka Diiwaan-gelinta Cod-bixiyaha waxaana u codeyay Ogol 40 Xildhibaan, 2 mudane ayaa diiday, halka aysan jirin cid ka aamustay.

Hindise-Xeereedka Diiwaan-gelinta Cod-bixiyaha ayaa si faah-faahsan uga hadlaya dadka xaqa u leh is diiwaan-gelinta, habka diiwaan-gelinta, hir-gelinta wacyi-gelinta diiwaanka cod-bixinta, waxa uuna ka kooban yahay 36 Qodob.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this