Sign in to follow this  
Deeq A.

Somaliland oo ka hadashay eedeyntii DF ee dowladda Jabuuti

Recommended Posts

Deeq A.   

Xukuumadda Somaliland ayaa markii u horeysay ka hadashay eedeyn ay dowladda Soomaaliya u jeedisay dhigeeda Jabuuti, taasi oo la xiriirtay warbixintii guddigii xaqiiqo raadinta ahaa ee IGAD u saartay xiisada ka dhex aloosan Soomaaliya iyo Kenya.

Wakiilka Somaliland u fadhiya dalka Jabuuti, Cabdifataax Saciid Axmed oo warbaahinta la hadlay ayaa dowladda Jabuuti ka difaacay eedeyamaha dowladda federaalka.

Waxaa uu si weyn u dhaliilay siyaasada arrimaha dibedda ee Soomaaliya, taasi oo uu sheegay in lagu hagayo siyaasad aan deganeyn, isla markaana uu ku jiro deg-deg badan.

Sidoo kale waxa uu sheegay in Soomaaliya ay mar walba ku deg-degto inay Safaaradaheeda kala baxdo dalka ay diblumaasi ahaan isku qabtaan, isagoo taasi ku sheegay “qalad”, maaddaama oo Jabuuti iyo Eritrea oo gacan ka hadal dhex-maray aysan weli kala qaadan Safaaradahoodii.

“Tusaale Jabuuti iyo Eritrea waa kuwa is haya, laakiin illaa hadda Safaaradahoodii may kala qaadan, tii Eritrea way furan tahay, tii Jabuutina waxay ka furan tahay Asmara, markaa Soomaaliya waxaad mooddaa deg-deg badan oo aan wax ka fiirsasho lahayn, siyaasad aan degganayn in Dawladdaasi ku dhaqmayso,” ayuu yiri.

Waxa uu intaas kusii daray “Waanu ognahay inay Somaliland Dacwado badan ka gudbisay, markaa waxaan leeyahay Farmaajo wuu tagayaa, Cidda dambe ee imanaysa (Soomaaliya) waxaanu leenahay Somaliland 30 sano ka hor ayay Madax-bannaanideedii la soo noqotay ee sidaa aynu ku kala joogno.”

Ugu dambeyntiina waxa uu dhaliil xoogan u jeediyay siyaasadda ay ku dhaqanto dowladda federaalka Soomaaliya iyo hogaaminta madaxweyne Farmaajo, taasi oo uu sheegay inay lamid tahay “Nin Daad qaaday xumbo cuskay

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this