Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiir Jamaal oo kulan gaar ah la qaatay Madaxa cusub ee Iskaashiga horumarinta Finland u qaabilsan Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiirka Qorsheynta Soomaaliya mudane Jamaal Maxamed Xasan ayaa maanta xafiiskiisa kulan kula qaatay Madaxa cusub ee Iskaashiga horumarinta Finland u qaabilsan Soomaaliya.

Kulanka waxaa looga hadlay sidii loo xoojin lahaa iskaashiga labada dawladood ee dhinacyada horumarinta iyo dar-dar galinta howlaha ay ka wado Finland gudaha Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa la isla gartay istaaraajiyadda cusub uu diyaarinayo xafiiska Horumarinta Iskaashiga Finland ee Soomaaliya in lagu saleeyo Qorshaha Horumarinta Qaranka oo ay ku cadyahiin baahiyaha dhan ee dalka in laga taageero muhiimka u ah.

Dowladda Finland ayaa sheegtay in ay ku qeexi doonan Istaarajiyada cusub

 Barnaamijiyo lagu taageerayo dhinacyada Waxbarashada iyo Horumarinta Arrimaha dowladaha Hoose, iyada oo Soomaliya ay hadda ka taageerto dhinacyada Haweenka iyo Caafimaadka oo ah meelaha ugu muhiimsan ee taageerada xooggan u baahan.

2-5.jpg?resize=960%2C640&ssl=1 1-2.jpg?resize=960%2C640&ssl=1 3-2.jpg?resize=960%2C640&ssl=1

PUNTLAND POST

The post Wasiir Jamaal oo kulan gaar ah la qaatay Madaxa cusub ee Iskaashiga horumarinta Finland u qaabilsan Soomaaliya appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this