Deeq A. Posted February 4, 2021 Janaraalka Reer Hiiraan ee waayadaan Duurka ku jiray ayaa saaka kusoo waabariistay Magaalada Baledweyne, Ciidankanuu wato Kanaraalka ayaa xoog iyo Dagaal kusoo galay Magaalada. Dagaalku wuxuu ka dhacay Qaybta ay Magaalada ka degan yihiin Jaraal Xuud qabiilkiisu, waxaana halkaas ka dhacay Dagaal khasaare geystay. Wararka ugu dambeeya waxay sheegayaan in Maleeshiyada uu Janaarlku wato ay Xaafada Gudaha u galeen ayna wali ku jiraan. Dadka Deegaanka ayaa Guryaha hoosta ka xirtay, waxaana Dagaalku ka dhacay Luuqyada Xaafadaha iyo Guryaha Rayidku degan yihiin hortooda. Xaalada Baledweyne ayaa saaka kacsan waxaana jirta cabsi laga qabo in Dagaalku sii filo amaba sii socdo saacadaha soo socda. Dowlada Federaalka oo Dhowaan Ciidamo gaysay Baledweyne wali kama hadlin Xaalada Magaalada. Puntlandi.com Gaalkacyo The post Janaraal Xuud oo Baledweyne soo weeraray appeared first on . Source Share this post Link to post Share on other sites