Sign in to follow this  
Deeq A.

Faahfaahintii u dambeysay Shirkii Dhuusamareeb oo u muuqda in is afgarad laga gaaray

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka u dambeeya ee aan kasoo xansanay Shirka Dhuusamareeb, wuxuu u muuqdaa in is afgarad laga gaaray Qodobo badan iyadoo dhanka kalena Qodobada dhiman ay u muuqdaan kuwo si uun isfahan looga gaari doono.

Gobolka Gedo

Sida ay Howlwadeenada Puntlandi.com ay xogta ku hayaan isfahan hordhac ah ayaa laga gaaray kasoo ah in Gudi loo saaro xaliya Khilaafka taagan, Xukuumada Federaalkuna ay faraha kala baxdo iyadoo Gobolka maamulkiisa lagu celinayo Jubbaland.

Gobolada Waqooyi Gudi Muqdisho jooga ayaa loo xilsaaray inay xaliyaan khilaafka, Madaxweyne Farmaajo wuxuu hoos igasoo degay go’aankiisii ku aadanaa Cidasoo xulaysa Xildhibaanada Soomaaliland, CabdinXaashi iyo Madaxweyne Farmaajo ayaa laguwadaa inay Teleefoon kuwada hadlaan si loonxaliyo Khilaafka dhexyaal.

Gudiga Doorashada

in Gudi cusub la magacaabo, tasoo ka dhigan in lakala diro Gudigii horay Xukuumada Federaalku u magacaabeen.

Doorashada

Doorashada waxaa la isla gartay in lagu qabto laba bilood gudeheed oo ka bilaabanaysa Todobaadka soo socda.

Gobolka Banaadir

kuraastii uu Madaxweynuhu saxiixay waxaa laga wadahadlayaa maanta, Qodobkaan waa loo dambeysiiyay.

Puntland waxay soo jeediyeen in Qodobkaan uu Dastuuri yahay loona bananyahay in marka hore hoos lagasoo bilaabo, oo marka hore la dhiso Maamul iyagu soo doorta Xubnaha Aqalka Sare iyadoo lagu samaynayo Awood qaybsiga Maadaama ay Caasimadii tahay. madaxweynuhuna wuu u dhago jalaqsanaadey laakiin Qodobkaas wali meel lama saarin.

Puntlandi.com

The post Faahfaahintii u dambeysay Shirkii Dhuusamareeb oo u muuqda in is afgarad laga gaaray appeared first on .

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this