Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Maamulka Gobolka Banaadir oo ka shiray amniga Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddoomiye ku Xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Maamulka Gobolka Banaadir Cali Cabdi Wardheere ayaa shir Guddoomiyay Shirka Todobaadlaha ee Degmooyinka Gobolka.

Shirka ayaa waxaa todobaadkan diirada lagu saaray arrimaha ammanka Caasimadda, Siyaasadda, Doorashooyinka iyo  u diyaargarowga natiijadda shirka ka socda Samareeb .

Waxaa idoo kale intii uu socday kulanka ka qeyb-galay saraakiisha laamaha ammaanka gobolka iyo guddoomiyeyaasha degmooyinka.

Sidoo kale waxaa shirkan lagu soo qaaday weerarkii ka dhacay hotel Afriik iyo toogashadii lagu dilay guddoomiyihii maamulka degmada Hodan, Marxuum Cabdixakiin Dhagajuun.

Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyada oo maalmihii dambe laamaha amnigu ay wadeen howl-gallo lagu sugayo amniga caasimadda, loogana hortegayo weerarada  Al-Shabaab.

Halkan hoose ka daawo sawirrada:-

146490558_2803780406527367_8209579345738330550_n 144900313_2803780596527348_6686984541025351855_n 145343984_2803780566527351_8814932046357899425_n 146037932_2803780699860671_4662137363370604515_n 146056949_2803780386527369_5044407463218478065_n

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this