Sign in to follow this  
Deeq A.

Faah faahino ka soo baxaya dagaal saaka ka dhacay Beledweyne

Recommended Posts

Deeq A.   

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal saaka aroortii hore ka dhacay qeybo ka mid ah magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Dagaalka ayaa yimid, ka gadaal markii maleeshiyaad uu wato Janaraal Abuukar Xuud ay weerar ku soo qaadeen fariisimo ciidamada dowladda ay ku leeyihiin magaaladaasi.

Qaar ka mid ah dadka deegaanka ayaa Shabelle u sheegay in weerarka kadib uu iska hor imaad toos ah ka dhacay xaafado ka tirsan degmada Beledweyne.

Ma cadda illaa iyo hadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkaasi iyo weerarka ka horreeyey, mana jiro weli wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha ammaanka.

Xaaladda ayaa haatan degan, waxaana goobihii lagu diriray ku sugan ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Haramcad, kuwaas oo wada howl-gallo lagu sugayo amniga.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this