Deeq A. Posted February 4, 2021 Ciidanka Booliiska Gobolka Bari, ayaa xabsiga dhigay qaar kamid ah Sarriflayaasha magaalada Boosaaso, oo sida la sheegay qiima saa’id ah ku sarrifay Lacagta Dollar. Saraakiil ka tirsan Booliiska, ayaa xaqiijiyay in xabsiga loo taxaabay qaar badan oo kamid ah Sarrriflayaasha magaalada Boosaaso, kuwaas oo qiimo kordhin ku sameeyay Sarrrifka Lacagta. Boosaaso waxa ka socda hawlgal ciidan oo ku wajahan in la qabto cid kasta oo diida Lacagta Shilin Soomaaliga ama qiima saa’id ah ku sarrifta qiimaha Dollarka. Sidoo kale, magaalooyinka kale ee Puntland qaarkood, oo ay ku jirto Garoowe, waxa ka socda hawlgal noocaas oo kale ah. PUNTLAND POST The post Sarriflayaal badan oo lagu xiray Boosaaso appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites