Deeq A. Posted February 4, 2021 Xukuumadda Somaliland, ayaa bilowday Qorshe ku saabsan in Shilinka Somaliland laga hirgeliyo magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool, kadib markii degaankaas laga diiday Lacagta Shilin Soomaaliga. Mas’uuliyiinta Somaliland ee Gobolka Sool, ayaa amar ku bixiyay Shilinka Maamulkaas la gaarsiiyo magaalada Laascaanood, si looga baxo saamaynta dhaqaale ee diidmada Shilin Soomaaligu ku reebtay Bulshada degmadaas. Mas’uuliyiinta Gobolka u qaabilsan Somaliland ayaa aaminsan, in xasilinta sicirka Suuqyada Laascaanood ay ku xirantahay hirgelinta Shilinka Somaliland, islamarkaana laga raysan doono dhibaatada Lacagta Soomaaliga. Waxaase xusid mudan, in Bulshada Laascaanood qaarkodo ay diidan yihiin Lacagta Somaliland, taas oo caqabad ku noqon karta Qorshaha hirgelinta Shilinka Somaliland, oo aan hore uga shaqayn jirin degaankaas. PUNTLAND POST The post Shilinka Somaliland oo laga hirgelinayo Laascaanood appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites