Sign in to follow this  
Deeq A.

Diyaarada Ethiopian Airlines qeybta xamuulka oo duullimaad ka bilowday Boosaaso

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1612382266752.jpg?resize=720%2C48

Magaalada Boosaaso waxaa maanta laga daah-furay Diyaarada Ethiopian Airlines qeybta xamuulka (Cargo) oo ka shixnado ganacsi ka qaadi doonta Puntland.

Wasiirka Duulista Hawada Puntland Ilyaas Cismaan Lugatoor, Qunsulka Ethiopia u fadhiya Puntland Degnachew Yitbarek, Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Puntland, Ganacsato ka soo jeeda dalka Ethiopia, Maamulka Airport Boosaaso, qaar kamid ah ganacsatada Gobolka Bari, iyo mas’uuliyiin kale ayaa ka qeybgalay munaasabadda.

Wasiirka Duulista Hawada Puntland ayaa sheegay in ay muhiimad gaar ah u leedahay duullimaadka kowaad ee Diyaarada Ethiopian Airlines qeybta xamuulka ka bilowday Boosaaso, sidoo kale wuxuu xusay in dhawaan mid kamid ah ganacsatada waaweyn ee Ethiopia uu Boosaaso ka qaadan doono kalluunka.

Qunsulka Ethiopia u jooga Puntland iyo ganacsatada dalka Ethiopia ayaa dhankooda ballanqaaday in ay dowladda Puntland iyo ganacsatada Gobolka Bari kala shaqeyn doonaan sidii loo xoojin lahaa xirriirka labada dhinac ee iskaashiga dhaqaalaha iyo hormarka Puntland.

Guddoomiye Gobolka Bari Cabdisamad Abwaan ayaa ku soo dhaweeyay Gobolka Bari Qunsulka Ethiopia ee u fadhiya Puntland iyo Ganacsatada dalka Ethiopia wuxuuna ku boogadiyay in la xoojiyo xirriika labada dhinac ee ka shaqeeynta hormarka iyo dhaqaalaha.

Daahfurka Diyaarada Ethiopian Airlines qeybta xamuulka (Cargo) ayaa sii xoojinaya xirriirka ganacsi ee dhaxeeya Puntland iyo Ethiopia.

FB_IMG_1612382202698.jpg?resize=720%2C48 FB_IMG_1612382206935.jpg?resize=720%2C59 FB_IMG_1612382213068.jpg?resize=720%2C48 FB_IMG_1612382216507.jpg?resize=720%2C53 FB_IMG_1612382222622.jpg?resize=720%2C50 FB_IMG_1612382225701.jpg?resize=720%2C47 FB_IMG_1612382230692.jpg?resize=720%2C50 FB_IMG_1612382245027.jpg?resize=720%2C54 FB_IMG_1612382250793.jpg?resize=720%2C48 FB_IMG_1612382239238.jpg?resize=720%2C48

PUNTLAND POST

The post Diyaarada Ethiopian Airlines qeybta xamuulka oo duullimaad ka bilowday Boosaaso appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this