Sign in to follow this  
Deeq A.

Breaking News— Muran xoogan oo hareeyey Shirka Dhuusamareeb, Caawana waa la is fadhiyaa

Recommended Posts

Deeq A.   

Inkastoo Shirka Albaabadu u laaban yihiin hadana Warbaahinta Puntlandi.com ayaa waxaa hada soo gaaray Wararkii ugu dambeeyay oo aan si hoose u helnay, Muran xoogan ayaa wali ka taagan Ajandaha Shirka, waxaadna moodaa inaan wali looguda galin Shirka maadaama wali muran ka taagan yahay Ajandaha la isugu yimid Dhuusamareeb,

Shirka ayaa lagusoo waramayaa in laba kooxood lookala jabay, Qoorqoor, Laftagareen, Guudlaawe oo uu hogaaminayo Madaxweynaha Dowlada Federaalka iyo Axmed Madoobe iyo Deni oo Garabka kale ah, Madaxweyne Farmaajo wuxuu Doonayaan wali oo ku adkaysanayaa in Ajandayaasha aan lagu koobib oo qura Heshiiskii Sebtembar ee lagu soo daro Dhowr ajande halka Deni iyo Axmed Madoobe ay wali ku adkeysanayaan in lagu koobnaado Ajandaha Shirka oo ah xalinta waxyaabaha hortaagan Heshiiskii Muqdisho.

Bilowgii Shirka ee saaka ilaa hada wax natiijo ah oo la sheego lama gaarin, Caawa waa la is horfadhiyaa laakiin wax wara saacadihii dambe lagama hayo oo wali Albaabada u Xiran Shirka.

Madaxweyne Farmaajo wuxuu kaloo diidan yahay in Lagawada hadlo Arimaha Jubbaland tabanayso ee Gobolka Gedo, wuxuu soo jeediyey Madaxweynuhu in Arinkaas iyo Arimaha Doorashada lakala saaro.

Wixii wara oo ku saabsan kolka Shirka caawa dhamaado waan idinla wadaagaynaa.

Puntlandi.com Dhuusamareeb

The post Breaking News— Muran xoogan oo hareeyey Shirka Dhuusamareeb, Caawana waa la is fadhiyaa appeared first on .

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this