Sign in to follow this  
Deeq A.

Dr.Maxamed M.Culusow : – Maamus-xumada Furitaanka Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka (GWQ) Dhusamareb-4

Recommended Posts

Deeq A.   

Dr.Maxamed Maxamuud Culusow

Waxaan qormo hore ku sheegay in natiijada lama dhaafaanka ee shirka dhusamareb-4 ay tahay “ku dhawaaqidda dhammaadka xilka Madaxweyne Farmajo iyo kala diridda Barlamaanka Federaalka-10.” Waxaan rajeynaya in ka qayb galayaasha shirka ku qanacsan yihiin xaaladda halista ah ee dalka ku sugan yahay, loona baahan yahay go’aan dadweynaha ka saara kacdoonka uu ku jira.

Kaddib markaan aan daawaday sawirka furitaanka Shirka dhusamareb-4, dhegeystay warbixinta Afhayeenka Madaxtooyada JFS, akhriyay doodda ku saabsan ajendaha shirka, waxaan dareemay maamus xumada furitaanka shirka GWQ oo aan laheyn qodobbada wadahadalka ( Agenda), la baalmaray halka ajende ee ahaa inay ku dhawaaqaan dhammaadka xilka Madaxweyne Farmajo iyo kala dirka Barlamaanka Federaalka-10, la raadinayo ka wada hadalka hirgelinta doorashada dadban ee lagu heshiiyay 17kii Setember 2020.

Haddii ujeedada shirka maanta ka furmay caasimadda Dowlad Goboleedka Galmudug Dhusamareb tahay ka wada hadalka qabashada doorasho heshiis lagu yahay, daahfuran, xalaal ah, waxaan qabaa inay ka maqan yihiin saamiley loo baahan yahay in si degdeg ah loo martiqaado si ay uga qayb galaan shirka ama loo dhegeysto, kuwaaso kala ah:

  1. Mudane Cabdi Xaashi oo huwan labo shaar oo kala ah matalaadda beesha Dir iyo gaar ahaan ka talinta habka doorashada Xildhibannada beelaha Soomaaliland. Ka qayb gal la’aanta shirka ee Mudane Cabdi Xaashi waxay taagereysa ku tumashada dastuurka, wiiqidda midnimada bulshada Soomaaliyeed, iyo hirgelinta doorasho sharcidarro ah.
  2. Mucaaradka Dowladda Federaalka oo ah saamiley Dastuurka Qaranka aqoonsan yahay. Madaama mucaaradka badan yihiin, waxaa matalaya Madaxda xoogagga mucaaradka ku mideysan, leh ama lagu yaqaan mowqif ka soo horjeeda kan dowladda federaalka (common opposition platform). Mucaaradka dhexdooda waa tartami karaan, hase yeeshe waa inay yihiin mucaarad ka soo horjeeda dowladda federaalka. Mucaaradka la martiqaadayo wuxuu ku mideysan yahay la xisaabtanka dowladda federaalka iyo ka soo horjeedka dhaqanka maamulxumo iyo sharcidarro ee hoggaanka dalka. GWQ waa inuu dhegeysto doodda, mowqifka, iyo talada Mucaaradka si daahfuran. Waxaa Midowga Musharrixiinta Xilka Madaxweynaha soo saareen qoraal ay ku soo jeediyeen 18 qodob ee ku saabsan qabashada doorasho xor iyo xalaal ah, kuwaaso dowladda federaalka aysan ka jawaabin ilaa maanta.
  3. Bulshada Ra’yidka ah oo door talo, dabagal, iyo toosin ku leh wax qabadka dowladda federaalka sida ku cad heshiiskii shirkii London ee 11 Maajo 2017 iyo warmurtiyadyadii shirarkii isbaheysiga Soomaaliya iyo Beesha Caalamka.
  4. Machadyada Heritage, PDRC, Public Agenda, Hiraal, iyo HIPAD si ay talooyin cilmi ah ee ku saabsan qabashada doorasho dadban oo lagu kalsoonaan karo ugu soo jeediyaan GWQ inta aysan ay qaadan go’aamo masiiri ah.

Waxaa nasiib darro ah in ka qaybgalka Ra’iisul Wasaare Maxamed Xussein Roble lagu tilmaamay goobjoog halka la filayay inuu ahaado shir Guddoomiyaha shirka ee u dhexeeya Madaxweynaha JFS iyo GWQ.

Dr. Maxamud M. Culusow

The post Dr.Maxamed M.Culusow : – Maamus-xumada Furitaanka Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka (GWQ) Dhusamareb-4 appeared first on .

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this