Sign in to follow this  
Deeq A.

Nuxurka Kulan M/weyne Biixi kula yeeshay Qasriga Madaxtooyada Wakiilka Qaramada Midoobay Amb.James Swan & wefti uu hogaaminaayo

Recommended Posts

Deeq A.   

Halkan ka Daawo Muqaalka Warka:-

WAR-SAXAAFADEED: 03/02/2021
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Oo Qaabiley wakiilka Xoghayaha Guud Ee Qaramada Midoobay
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta qaabilay wakiilka xoghayaha guud ee qaramada midoobay, Ambassador James Swan iyo wefti uu hoggaaminayo.
Kulankan, ayaa lagaga wada hadlay arrimo door ah oo ay kamid yihiin nidaamka wada-shaqaynta Jamhuuriyadda Somaliland iyo qaramada midoobay, qorsheyaasha iyo barnaamujyada hay’adaha qaramada Midoobay salka u noqon doona.
Jamhuuriyadda Somaliland iyo qaramada midoobay waxa ay ku heshiiyeen inay sii wadaan wada-hadalkii iyo kulamadii ay uga wada xaajoonayeen arrimaha wada-shaqaynta hay’adaha qaramada midoobay iyo Jamhuuriyadda Somaliland, sidoo kale, waxa laga wada hadlay arrimaha doorashooyinka iyo taageerada qaramada midoobay ka gaysan karto.
Dhinaciisa, ergeyga gaarka ah ee qaramada midoobay waxa uu ku bogaadiyey xukuumadda, Axsaabta qaranka, Komishanka doorashooyinka qaranka iyo shacabka Jamhuuriyadda Somaliland sida ay diyaarka ugu yihiin, uguna midaysan yihiin qabsoomidda doorashooyinka isku sidkan ee wakiillada iyo deegaanka.
Ugu dambayn, waxa kulankaas diiradda lagu saaray arrimaha amniga iyo horumarka mandaqadda geeska Afrika iyo kaalinta muhiimka ah ee ay kaga jirto Jamhuuriyadda Somaliland.
Wakiilka gaarka ah ee xoghayaha qaramada midoobay waxa wehelinayey madaxda hay’adaha qaramada midoobay ee WFP, UN Women, UNHCR iyo masuuliyiin kale oo katirsan xafiisyada qaramada midoobay ee Somaliland.
146357989_3630509937062833_6421697913272
146155914_3630509633729530_5500779019133
146132474_3630509717062855_3674298926930
146132498_3630509407062886_5450146633761

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this