Sign in to follow this  
Deeq A.

Daawo:Nuxurka Kulan M/weyne Biixi Kula yeeshay Safiir-xigeenka Dalka Norway u fadhiya….

Recommended Posts

Deeq A.   

Halkan ka Daawo Muqaalka Warka:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Oo Kulan La Qaatay Safiir-Ku-Xigeenka Norway U Fadhiya Kenya
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu maanta xafiiskiisa kulan kula yeeshay safiir-ku-xigeenka Norway u fadhiya magaalada Nairobi Amb. Stian Christensen oo uu wehelinayo ergeyga gaarka ah ee Norway u qaabilsan dalalka Jamhuuriyadda Somaliland iyo Soomaaliya, Amb. Theidi Johansen.
Kulankan, ayaa intii uu socday lagaga wada hadlay arrimo dhawr ah oo ay kamid yihiin xoojinta xidhiidhka labada dal, iskaashiga horumarka iyo wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya iyo kaalinta uu dalka Norway ka qaadan karo, waxana ay Jamhuuriyadda Somaliland soo dhaweysay in Norway kaalin ka qaadato wada-hadallada iyo kala gurashada labada dal, maaddama waddanka Norway yahay dal dhexdhexaad ah, islamarkaana leh waayo-aragnimo dheer oo ku saabsan xallinta khilaafaadka iyo nabadda adduunka. Ugu dambayn, waxa uu kulankaasi kusoo dhammaaday is af-garad buuxa iyo guul.
146091558_3630505420396618_7419471732975
146091558_3630505337063293_3643954938599
146199797_3630505467063280_5650719700018

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this