Sign in to follow this  
Deeq A.

Shacabka Muqdisho oo aragti ka dhiibtay shirka Dhuusamareeb

Recommended Posts

Deeq A.   

Qaar ka mid ah shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya ayaa ka hadlay aragtidooda ku aadan shirka wada-tashiga ah ee maanta ka furmay magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug.

Dadweynaha la hadlay Shabelle ayaa marka hore soo dhoweeyey furitaanka shirkaas oo u dhexeeya dowladda federaalka, dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir.

Sidoo kale waxa ay ugu baaqeen madaxda Soomaaliyeed inay tanaasul muujiyaan, islamarkaana ay xal mideysan ka gaaraan doorashooyinka dalka ee 2021-ka.

Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyada oo si rasmi ah u billowday shirka Dhuusamareeb oo la filayo in xal rasmi ah looga gaarayo doorashada dalka ee 2021-ka.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this