Sign in to follow this  
Deeq A.

Villa Somalia oo war kasoo saartay shirka ka furmay Dhuusamareeb + Sawirro

Recommended Posts

Deeq A.   

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Waxaa maanta billowday shirkii uu ku baaqay madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ee loogu talo-galay in looga hadlo arrimaha ku saabsan doorashooyinka, laguna xaliyo caqabadaha hortaagan sidii loo qaban lahaa doorasho la isla ogol yahay.

Agaasimaha Warfaafinta iyo Xidhiidhka Warbaahinta Madaxtooyada Cabdirashiid Maxamed Xaashi ayaa sheegay in shirka uu furmay, ayna u dhan yahiin xubnahii lagu casuumay, isla markaana uu shir gudoominayo madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmajao.

Isagoo hadalkiisa sii wata wuxuu yiri: “Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha waxey tilmaameen muhiimadda ay Soomaalida u leedahay in wakhtigaan ay midnimo ku galaan doorashada.”

Madaxda ayaa isla gorfeeyey dadaallada heer Federaal iyo heer dowlad-goboleed ee loo qaaday hirgelinta hannaanka doorashooyinka, xaqiijinta xasilloonida siyaasadeed iyo amni ee dalka.”

Wuxuu sheegay in shirkaan oo dhan uu ku saabsan sidii loo hirgalin lahaa heshiisyadii lagu gaaray Muqdisho 17-kii September, loona dar-dar galin lahaa sidii uu dalka doorasho loo dhan yahay u gali lahaa.

Sidoo kale agaasimaha wuxuu sheegay in waxyaabaha la isku soo hadal qaaday marka hore ay ka mid ayeen yahiin dhaqaalaha iyo arrimaha amniga oo muhiim u ah doorashada, sidoo kalana madaxda ay waxyaabaha kale ee muhiimka ah ka wada hadli doonaan.

Inkastoo uusan faah-faahin ka bixin hadana wuxuu sheegay in madaxweyne Farmaajo uu kulamo wada-tashi ah la yeeshay madaxdii joogtay Dhuusamareeb inta aaney imaan Axmed Madoobe iyo Saciid Deni.

Si kastaba madaxtooyada waxey sheegtay in Farmaajo ay ka go’an tahay in heshiis lagu gaaro halkaan, walow dadka qaar ee siyaasadda ku jira aysan fileynin in madaxweynaha uu ka tanaasulayo waxyaabaha uu doonayo ee khilaafka dhaliyay.

Madaxda-2.jpg 145711553_3741507412600376_5214669312476 146327338_3741507375933713_2747958112633 Qoor-Qoor-Waare.jpg Rooble-1.jpg Deni.jpg Farmaajo-1.jpg Madaxda-Soomaalida.jpg 146000172_3741507472600370_9072216355260 146609353_3741507129267071_8159136653546 Filish.jpg Farmaajo-1-1.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this