Sign in to follow this  
Deeq A.

Somaliland: Maalinta ay dhacayaan doorashooyinka Golayaasha Wakiillada iyo Deegaanka oo la cayimay

Recommended Posts

Deeq A.   
Muuse-Biixi-Cabdi.jpg?resize=960%2C640&sMadaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa xeer Madaxweyne ku cayimay maalinta ay dhacayaan doorashooyinka isku sidkan ee Golayaasha Wakiillada iyo Deegaanka.

Madaxweynaha Somalilnad ayaa go’aamiyay in doorashooyinkaasi ka dhacaan maalinta Isniinta ah ee ku beegan 31ka bisha May 2021.

Cayimada maalinta doorashooyinka Golayaasha Wakiillada iyo Deegaanka ee Somaliland ayaa ku soo aadaya, iyadoo maanta Muuse Biixi kulan la qaatay wafdi ka socda Beesha Caalamka oo hoggaaninayay james Swan, kuwaas oo kala hadlay arrimo ay kamid yihiin doorashooyinka Somaliland.

Taariikhda Golayaasha Wakiillada iyo Deegaanka ee Somaliland.

Golayaasha Wakiiladda Somaliland

Sida caadiga ah Golaha Baarlamaanka Somaliland waxaa loo qeybiyaa labo Golle oo kala ah, Golaha Guurtida (Golaha Sare) oo ah golaha duqeyda, iyo Golaha Wakiiladda (Golaha Hoose).

Labada Golle oo u wada shaqeeya si toos ah ayaa waxay leeyihiin 82 xubnood iyo gudoon u gaar ah mid kasta, Golaha Wakiilada waxaa Gudoomiye u ah Baashe Maxamed Faarax, kaas oo ah gudoonkii labaad ee gollahan doortaan, halka Golaha Guurtida uu Guddoomiye u yahay Saleebaan Maxamuud Aadan.

Golaha Wakiiladda Somaliland

Golaha Wakiiladda Somaliland ayaa la doortay bishii sagaalaad 2005, waxay ahayd in ay kuraasta ku fadhiyaan 5 sanadood oo ku ekeyd 2010, laakiin waxaa muddo kordhin loo sameeyey markii lixaad.

12 sano oo kordhin ah

Markii ugu horeysay waxaa loo kordhiyay laba sannadood oo ka bilaabantay 30/10/2010, kuna beegnayd 30/6/2013, markii labaad waxaa loo kordhiyay laba sannadood bil iyo 27 maalmood oo ku beegnayd 2/27/2015, markii saddexaad waxa loo kordhiyay laba sannadood oo kaga eekayd 27/10/2017.

Markii afraad waxa loo kordhiyay laba sannadood oo iyaduna kaga beegan 28/4/2019, markii shanaad ayaaa loo kordhiyey 28/4/209 kagana ekeyd  12/1/2020.

Markii lixaad ayaa loo kordhiyey labo sanadood oo ka bilaamaysay 12/1/2020, kuna eg 12/1/2022.

Golaha Guurtida Somaliland

Golaha Guurtida Somaliland waxaa la sameeyey ka hor aasaaskii Somaliland, waxaana la sharciyeeyey 1993-dii.

Golaha Guurtida Somaliland dadkii lagu asaasay waxaa kaga jira hadda oo keliya wax ka yar 10 xubnood, iyadoo intooda badan ay geeriyoodeen, waxaana qofkii dhinta dhaxal ahaan loogu baddelaa mid kamid ah eheladiisa.

Golaha Guurtida Somaliland muddo xileedkooda wuxuu ahaa lix sano, balse ma jirto xeer loo sameeyay sida loo soo dooranayo.

Golaha Guurtida Somaliland waxay muddo korarsi sameysanayeen tan iyo 1999-kii.

Shaqada Golaha Guurtida Somaliland

Aqalka Guurtida Somaliland ayaa loogu talagalay inay xil kordhin u sameeyaan Golaha Wakiillada (Golaha Hoose) iyo Xukuumadda, haddii laga cabsado inuu khalkhal yimaado, ama xilligeedii ay ku qabsoomi weydo doorashada.

Goleyaasha Deegaanka Somaliland

Sagaashamaadkiii degmooyinka Somaliland waxaa maamuli jiray guddoomiyeyaal iyo ku xigeeno ay soo magacawdo dawladda dhexe.

Balse sanadkii 2001 ayaa shacabka Somaliland u codeeyeen dastuur cusub oo dhigaya in degmo walba doorato Gole deegaan oo iska dhexdoorta guddoomiye iyo ku xigeen.

Golayaasha Deegaanka ee hadda jooga degmoooyinka Somaliland ayaa la soo doortay sannadkii 2012-ka, waxaana shantii sanno ee la doortay ay ku ekayd sannadkii 2017kii.

Waxaana Golayaasha Deegaanka ee hadda jooga degmoooyinka Somaliland loo sameeayay 5 sano oo kordhin ah.

PUNTLANDD POST

The post Somaliland: Maalinta ay dhacayaan doorashooyinka Golayaasha Wakiillada iyo Deegaanka oo la cayimay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this