Sign in to follow this  
Deeq A.

Xukumada Farmaajo ayaa ku amartay Shirkadaha Diyaaradaha inaaneyn qaadin Gudoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi

Recommended Posts

Deeq A.   

Xukumada Farmaajo ayaa ku amartay Shirkadaha Diyaaradaha inaaneyn qaadin Gudoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi

farmaajo.jpg

Xog ay heshay Warbaahinta ayaa sheegeysa in xalay Xukuumada Soomaaliya ay shirkadaha duulimaadyada amar ku siisay in aysan qaadi karin guddoomiyaha Aqalka Sare ee Somalia Cabdi Xaashi Cabdullaahi. 

Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa xalay warqad u diray Madaxweyne Qoor-Qoor isagoo u sheegay in uu ku soo wajahan yahay Dhuusamareeb si uu uga qeybgalo shirka, oo aan lagu casuumin, wuxuuna qorshuhu ahaa inuu maanta baxo.

Si kastaba Cabdi Xaashi ayaa maanta shirkaas ka baaqday kamana bixin Muqdisho.

Xog ay heshay Warbaahintu ayaa sheegeysa in diyaaradaha ay heleen amar kasoo baxay xukuumadda oo ay soo gudbisay wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada Soomaaliya, iyadoo kadibna lala wadaagay shirkadaha duulimaadyada dalka. 

Xubno ka mid ah Golaha Aqalka Sare ayaa Warbaahinta u sheegay in guddoomiyaha uu sidoo kale jawaab ka waayay Madaxweyne Qoor Qoor islamarkaana uu dareemay in uusan madaxweyne Farmaajo ku qanacsaneen ka qeyb-galkiisa shirka Dhuusamareeb. 

Qaar kamid ah shirkadaha diyaaradaha ayaa warbaahinta u sheegay in amarkan uu soo gaadhay islamarkaana ay fuliyeen. Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa ka bixin xafiiskiisa maanta lamana oga inuu xog helay iyo inuu iska joogay. 

Cabdi Xaashi ayaa ku adkeysanayey inuu shirkaas ka qeyb galo si uu wada-hadallada, inkasta oo aan lagu casuumin.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this