Sign in to follow this  
Deeq A.

DF oo ka hadashay dib u dhaca ku yimid shirka Dhuusamareeb

Recommended Posts

Deeq A.   

Dib u dhac ayaa ku yimid furitaanka shirka wada-tashiga magaalada Dhuusamareeb ee u dhexeeyo dowladda federaalka, dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir.

Wasiirka warfaafinta Soomaaliya, Cismaan Abuukar Dubbe oo la hadlay wariyeyaasha ayaa ka warbixiyey shirkaasi, wuxuuna dib u dhac u sababeeyey madaxda qaar oo soo daahay.

Sidoo kale wuxuu hoosta ka xariiqay in shirweynahan uu si rasmi ah u billaaban doono saacadaha soo socda ee maanta, islamarkaana laga wada-hadlayo doorashooyinka.

Dubbe ayaa sidoo kale rajo wanaagsan ka muujinayey in natiijo miro-dhal ah ay ka soo bixi doonto shirkaas oo noqonaya kii ugu dambeeyey ee doorashada 2021-ka.

Shirka Dhuusamareeb 4 ayaa qorshuhu ahaa inuu dhaco 1 illaa 3 bishan, balse uu ku yimid dib u dhac, waxaana hadda caasimadda Galmudug ku wada sugan madaxda Soomaaliyeed.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this