Sign in to follow this  
Deeq A.

Faah faahino kasoo baxaya weerar ka dhacay magaalada Muqisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar qorsheysan oo xalay rag hubeysan ay ka fuliyeen gudaha magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Weerarka oo loo adeegsaday bam-gacmeed ayaa lagu qaaday hoyga uu guddoomiyaha Dayniile, Maxamed Abuukar Jacfar ka dagan yahay degmada Howl-wadaag.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa inoo sheegay in ciidamada ammaanka ay rasaas fureen, kadib weerarka, balse ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay halkaasi.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daraya inay baxsadeen kooxiihi ka dambeeyey falkaasi, waxaana goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka Soomaaliya.

Waa habeenkii labaad oo xiriir ah oo la weerarayo hoyga guddoomiyaha maamulka degmada Dayniile, Mudane Maxamed Abuukar Jacfar.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this