Sign in to follow this  
Deeq A.

Weerar khasaare geystay oo ka dhacay degmada Balcad

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka ka imaanaya gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in xalay weerar ay ka dambeeyeen dagaalyahanada Al-Shabaab uu ka dhacay degmada Balcad ee gobolkaasi.

Weerarka oo ahaa mid qorsheysan ayaa waxaa lagu ekeeyey fariisin ciidamada dowladda Soomaaliya ay ku leeyihin dhinaca waqooyi ee magaaladaasi.

Ilo deegaanka ah ayaa Shabelle u sheegay in weerarka, kadib uu xigay iska hor imaad u dhexeeyey labada dhinac, kaas oo la’isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Inta la xaqiijiyey hal askari oo ka tirsanaa ciidankii ku sugnaa Koontaroolka la weeraray ayaa ku geeriyooday iska horimaadka, lamana sheegin khasaare intaasi dhaafsiisan.

Al-Shabaab ayaa inta badan weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah ka fuliso waddada dheer ee isku xirta magaalooyinka Balcad iyo Jowhar ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this