Sign in to follow this  
Deeq A.

“Dalkeenna Somaliland Waxa Uu U Dhaqaaqay Oo Uu Cagta Saartay Jidka Doorasho Muddo Dheer La Sugayey…” Guddoomiye Cirro Oo Ka Hadlay Go’aankii Golaha Guurtida

Recommended Posts

Deeq A.   

Waxa aan ku bogaadinayaa Golaha Guurtida waajibka sharci ee ay guteen maanta, maadaama ay is waafajiyeen mudda xileedka Golaha Wakiilada & soo jeedintii Axsaabta Qaranka, KDQ iyo Madaxweynahaba ee cayimaadda doorashada, arrintani waxa ay soo afjartay ismarin waa’ siyaasadeed iyo kala aragti duwanaanshiiyo ra’yi oo muddo soo jiitamaysay.

Dalkeenna Somaliland waxa uu u dhaqaaqay oo uu cagta saartay jidka doorasho muddo dheer la sugayey oo ah doorasho isku sidkan taariikhda markii kowaad, doorasho fursad weyn siinaysa da’yar badan oo u hammuun qabtay in ay mar’uun wax doortaan iyagana la doorto, doorasho fursad weyn siineysa in haweenkeenna ay soo galaan Golayaasha Qaranka, doorasho fursad weyn siineyn in ay helaan Beelaha Gabooye metalaad sharci ah.

Ugu dambeyn, waxaa midho dhalay xikmaddii lagu majiiran jiray Jamhuuriyadda Somaliland ee ahayd isu-tanaasul, wada-hadal & isafgarad in wax walba lagu dhammeeyo.

Somaliland GUUL.

Doorasho2021.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this