Sign in to follow this  
Deeq A.

Xubno ka mid ah kooxdii weerartay Dhuusamareeb oo la dilay

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1612259862781.jpg?resize=720%2C48

Ciidamada Dowladda Federaalka ayaa soo bandhigay meydadka 3 ruux oo ay sheegeen in ay ka mid ahaayeen Al-shabaab xalay hoobiyaal ku tuuray magaalada Dhuusamareeb.

Saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga oo warbaahinta kula hadley duleedka magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Galmudug ayaa sheegay in ay dileen 3-xubnood oo ka tirsanaa Al-shabaab oo uu ku jiro horjoogihii Al-shabaab u qaabilsanaa deegaanada u dhexeeya Ceelbuur iyo Dhuusamareeb, kaas oo ay sheegeen in lagu magacaabi jiray Cabdinaasir.

FB_IMG_1612259876508.jpg?resize=720%2C48

Sidoo kale waxay soo bandhigeen dhaawaca hal nin iyo afar qori oo ay ciidamadu sheegeen in ay ka furteen kooxdii xalay hoobiyaasha ku tuuray xaafado ka mid ah magaalada Dhuusamareeb.

Howlgalkan waxaa wada fuliyay ciidamo isku dhaf ah oo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya.

PUNTLAND POST

The post Xubno ka mid ah kooxdii weerartay Dhuusamareeb oo la dilay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this