Sign in to follow this  
Deeq A.

Rooble Oo Lagu Soo Dhaweeyay Dhuusamareeb

Recommended Posts

Deeq A.   

Waxaa garoonka diyaaradaha magaalada Dhuusamareeb gaaray wafdi uu hogaaminayo Ra’iisul wasaaraha dalka Maxamed Xuseen Rooble .

Madaxweeynaha galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa ku soo dhaweeyay wafdiga Rooble  garoonka diyaaradaha Dhuusamareeb.

Ra’iisul wasaaraha ayaa magaalada dhuusa mareeb kaga qeeyb galaya Shirka wada tashiga madaxda dowladda federalka iyo kuwa dowlad gobaleedyada oo ka furmaya saacadaha soo aadan magaaladaas.

Shirka Dhuusamareeb 4 ayaa lagu wada in uu halkaas uga furmo Madaxweeyna Farmaajo iyo madaxda dowlad gobaleedyada , kaas oo looga arin san doono sidii xal looga gaari lahaa khilaafka iyo tabashooyinka arimaha doorashooyinka .

Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa ku sii qul qulaya wafuud kala duwan, iyadoo saacadaha soo socda la filayo in ay gaaraan madaxda kale ee dowlad gobaleedyada dalka.

Amniga magaalada Dhuusamareeb ayaa aad loo adkeeyay iyadoo maanta uu ka furmayo shirka wada tashiga dowlad gobaleedyada dalka iyo dowladda federaalka.

145090217_3684207141616287_8103678398952 145278557_3684206724949662_6233109959368 145316295_3684207034949631_8990810559777 145339896_3684206738282994_4119442675399 145395295_3684207008282967_1638624202066 145525042_3684206874949647_9932871672904 145617721_3684206638283004_8687493975263 145783068_3684206918282976_5231937692748

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this