Sign in to follow this  
Deeq A.

Daawo Prof Wareysi Cabdi Ismaciil Samatar : – Shirka Dhuusomareeb waxba kama soo baxayaan waayo M/weyne Farmaajo Doorasho Boob iyo Jujuub ah buu qorsheystay.

Recommended Posts

Deeq A.   

Aqoonyahan Cabdi Ismaaciil Samatar ayaa sheegay in sida saadashu tilmaameyso in aanay wax natiijo ah iyo xal ahi ka soo baxeyn shirka magaalada Dhuusomareeb ay isgu imanyaan Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxda Maamul Goboleedada Somaaliyeed.

Prof Samatar oo caawa u waraameyey Television ka Universal isagoo ku sugan magaalada Muqdisho ayaa ku tilmaamay ujeedada shirku inuu yahay marmarsiiyo Madaxweyne Farmaajo uu isaga khafiifinaayo cadaadiska ay ku hayaan Beesha Caalamka kaliya.

Prof Samatar ayaa sidoo kale ku eedeyey in Madaxweyne Farmaajo in uu ku socdo Siyaasad jar-iska xoornimo ah oo uu qorsheystay in Xoog iyo Jajuub u isticmaalo inuu talada ku sii haysto.

Prof Cabdi Ismaaciil Samatar ayaa ku tilmaamay Xaraan Siyaasadeed in Madaxweyne 13 Kursi saacadii kugu tadanbeysay uu ugu yabooho Shacbiga Gobolka Banaadir, taas oo ugu tala galay inuu iska horkeeno Shacbiga Somaaliyeed.

Halkan ka dhageyso wareysiga Prof Samatar.

The post Daawo Prof Wareysi Cabdi Ismaciil Samatar : – Shirka Dhuusomareeb waxba kama soo baxayaan waayo M/weyne Farmaajo Doorasho Boob iyo Jujuub ah buu qorsheystay. appeared first on .

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this