Sign in to follow this  
Deeq A.

DEG DEG : – Gudoomiyaha Aqalka Sare ee Federaalka Mudane Cabdi Xaashi oo sheegay inuu ka qeyb galayo shirka Dhuusomareeb.

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddoomiyah Aqalka Sare Dawlada Federaalka Somaaliyeed Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa warqad uu diray maanta Madaxweynaha Galmudug Qoorqoor ku sheegayo in uu maalinta beri ah uu ku soo wajahan yahay Magaalada Dhuusomareeb isaga wefti la socdaa si ay uga qeyb galaan shirka watashiga ee dhexmari doona Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxda Maamul Goboleeda Dalka.

Ka qeyb galka shirka ee Gudoomiyaha Aqalka Sare Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa fure u noqon karta khilaafaadka kuraasta Aqalka Sare oo qeyb ka ah muranka hareeyey qabsoomida doorashooyin la isla ogolyahay oo Dalka ka dhaca.

Madaxweyne Farmaajo ayaa faquuq iyo cadaawad Siyaasadeed kula dhaqamay Mudane Cabdi Xaashi iyo Guud ahaan jirtaanka Dastuuriga ah ee Aqalka Sare iyo Xubnihiisa.

Halkan ka akhriso qoraalka Gudoomiyaha Aqalka Sare Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi :

  • FB_IMG_1612197937169-346x500.jpg

The post DEG DEG : – Gudoomiyaha Aqalka Sare ee Federaalka Mudane Cabdi Xaashi oo sheegay inuu ka qeyb galayo shirka Dhuusomareeb. appeared first on .

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this