Deeq A. Posted February 1, 2021 Laba ruux oo midkood dumar tahay ayaa ku dhintay, saddex kalena waa ku dhaawacmeen, shil gaari oo duhurnimadii maanta ka dhacay Laamiga u dhexeeya Garoowe iyo tuulada Sinujiif, gaar ahaanna geedka loo yaqaan Barde-dawaco, oo qiyaastiii 26km dhanka bari kaga beegan caasimadda Garoowe. Shilka oo uu galay gaari maarkad ah, kaas oo ka yimid dhinaca tuulada Sinujiif, waxa sababay taayir ka qarxay gaariga oo si xawliya ku socday, sida Puntland Post ka soo xigatay Laanta Ilaalada wadooyinka ee Puntland. Saddexda ruux oo ku dhaawacmay shilkaas, ayaa loola cararay isbitaalka magaalada Garoowe, waxaana haatan lala tacaalayaa xaaladooda caafimaad sida ay xaqiijiyeen dhaqaatiirta. Shilalka gaadiidka ayaa muddooyinkii u dambeeyay ku soo badanaya Laamiga u dhexeeya Garoowe iyo Qardho, halkaas oo bilihii u dambeeyay ay ka dhaceen shilal kala duwan oo khasaare gaystay. PUNTLAND POST The post shil khasaare gaystay oo ka dhacay Garoowe appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites