Sign in to follow this  
Deeq A.

Lafta Gareen iyo Wafdi uu Hogaaminayo Oo Gaaray Dhuusamareeb

Recommended Posts

Deeq A.   

Waxaa garoonka diyaaradaha magaalada Dhuusamareeb gaaray wafdi uu hogaaminayo madaxweeynaha dowlad gobaleedka Koonfur galbeed Soomaaliya Cabdi casis Xassan Maxamed Lafta Gareen.

Madaxweeynaha galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa ku soo dhaweeyay wafdiga Lafta gareen garoonka diyaaradaha Dhuusamareeb.

Lafta gareen ayaa magaalada dhuusa mareeb kaga qeeyb galaya Shirka wada tashiga madaxda dowladda federalka iyo kuwa dowlad gobaleedyada oo ka furmaya saacadaha soo aadan magaaladaas.

Shirka Dhuusamareeb 4 ayaa lagu wada in uu halkaas uga furmo Madaxweeyna Farmaajo iyo madaxda dowlad gobaleedyada , kaas oo looga arin san doono sidii xal looga gaari lahaa khilaafka iyo tabashooyinka arimaha doorashooyinka .

Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa ku sii qul qulaya wafuud kala duwan, iyadoo saacadaha soo socda la filayo in ay gaaraan madaxda kale ee dowlad gobaleedyada dalka.

144619715_3683707458332922_1894732848945 145065108_3683707124999622_4941349760397 145186601_3683707788332889_4003113519107 145216786_3683708258332842_2697851311546 145260703_3683708404999494_1736884176395 145364156_3683706968332971_7893609547854 145654874_3683708094999525_4881018847408

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this