Sign in to follow this  
Deeq A.

QM, Qatar & Turkiga oo si kulul u cambaareeyey weerarkii Afriik

Recommended Posts

Deeq A.   

Howl-galka Qaramada ee Soomaaliya ayaa si kulul u cambaareeyey weerarkii khasaaraha geystay ee shalay lagu qaaday hotelka Afriik ee magaalada Muqdisho.

Weerarkaasi oo loo adeegsaday qarax lagu soo xiray gaari iyo mid toos ah ayaa sababay dhimashada iyo dhaawaca dad badan.

“Aad ayaan ugu xumahay weerarkaasi arxan darrada ah oo lagu dilay dad rayid ah oo aan waxba galabsan si weyn ayaana u cambaareynayaa falkaasi oo ah mid argagixiso,” sidaasi waxaa yiri wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Amb. James swan

Sidoo kale Qaramada Midoobay ayaa u tacsiyeysay ehellada dadkii ku geeriyooday weerarkaasi oo ay sheegatay Xarakada Al-Shabaab.

Dowladdaha Qatar iyo Turkiga oo saaxiib dhaw la ah Soomaaliya ayaa sidoo kale cambaareeyey weerarkaasi.

Qoraallo ka soo kala baxay wasaaradaha arimaha dibadda ee labadaasi wadan ayaa waxaa lagu sheegay in ay si weyn ugu xun yihiin weerarkii shalay ka dhacday M/ Muqdisho.

Turkiga iyo Qatar ayaa u tacsi tiiraanyo leh u diray ehellada dhamaan dadkii ku waxyeeloobay weerarkii lagu qaaday hotel Afriik ee magaalada Muqdisho.

Ugu dambeyn dowladaha Qatar & Turkiga ayaa hoosta ka xariiqay in ay xoojin doonaan taageerada dhinaca ammaanka ee ay siiyaan dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this