Sign in to follow this  
Deeq A.

Laftagareen oo gaaray Dhuusamareeb

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_16121752011238471.jpg?resize=720%

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan (Lafta gareen) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goordhaweyd gaaray magaalada Dhuusamreeb ee xarunta Galmudug.

Madaxweyne Laftagareen waxaa garoonka diyaaradaha Dhuusamareeb ku soo dhaweeyay Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor).

Sidoo kale waxaa saacadaha soo socda magaalada Dhuusamareeb soo gaari doona madaxweyne Farmaajo iyo madaxda kale ee dowlad goboleeeyada.

Magaalada Dhuusamareeb waxaa saacadaha soo socda ka furmaya shir looga arrinsanayo ismariwaaga ka taagan arrimaha doorashooyinka Soomaaliya.

PUNTLAND POST

The post Laftagareen oo gaaray Dhuusamareeb appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this